Maqaal:Deni labadan Ka Filo Markaad Eegto Hadalkiisa Maanta iyo Xiisada Sanaag.
Maalmahan waxaa dhaqdhaqaaq ciidan ka socday deegaano badan oo kamid ah dhul weynaha sanaag gaar ahaan dhulka beesha warsangali.
Xiisadan ayaa ka dhalatay kadkb markii socdaalo uu ku maray deegaankaasi taliyaha jabhada Dulmid Diid Kornayl caare.
Somaliland oo ugu marmarsoonaso dhulkaasi beesha warsangali inay ku daba joogan Caare ayaa qabsaday deegaanka Yuube iyo deegaano kale iyagoo ciidamo badana dhulkaasi geeyay,
Ninkasta waa og yahay in dhulka beesha warsangali aysan somaliland wax samayn ah ku lahayn islamarkaana badankiisa ay ku jiran gacanta puntland.
Hadaba dhaq dhaqaaqan kadib waxaa hadlay markii ugu horeysay masuulka ugu sareeya puntland Siciid Dani kaasi oo hadalkiisa marka si loo eego aanu waxba kaga duwaneen madaxweynayaashi hore puntland ee marka sidan oo kale somaliland dhulka u soo weerarto odhan jiray ha is difaaco shacabku ama waanu difaaca dhulka puntland kadibna ay somalland ku qabsato dhulka saas iyadoo aanay masuuliyiinta puntland kaga dhabayn hadalkaasi.
Deniyow shacabka puntland ismaydan baran hadalkaasi waxba ma dhaamo kii hore madaxdii kaa horeysay,hadii aadan raacin ficil muuqda.
Su aasha meeshan ku jirta ayaa ah sidaad dusha sare mqaalkan ku soo akhritsateen madaxweyne Deni ama dhulka warsangali ayaa gacantiisa ka baxaya ama dhulka maqan ee sool kamid tahay ayaa usoo calinayaa,
Khaatumo News Online
