Deg Deg:Madaxweynaha Puntland Oo Shir Isugu Yeedhay Golaha Xukumadiisa,

Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Magaalada Garoowe waxa uu ka daahfuray shir looga arrinsanayo dejinta qorshaha shanta sano ee xukuumadda cusub ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha Wasiirada iyo Madaxda hayadaha ka howlgalla deegaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kale,

Shirka oo socon doona Mudo Saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo isbedelka ay la imaan karto iyo qorsho howleedkooda.

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo shirka furay ayaa sheegay in shirkaas uu kusoo aaday xilligii loo baahnaa,isla markaana la dejinayo qorsha howleedka Golaha Wasiirada Puntland oo galaya Sanadkii ugu horeeyey.

Waxa uu sheegay in ahmiyada weyn ee laga rabo Xukuumadda uu yahay inay ku dhaqmaan Habraaca iyo xeerka u degsan,waxana uu rajo wanagsan ka muujiyey in shirkaasi ay kasoo baxaan qorsho lagu diyaariyo waxqabadka Xukuumadda ee Sanadka 2019-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa isna waxa uu shirka ka sheegay in shirkaas uu waqti ku qabsoomay,isla markaana Xukuumadda Cusub ee Puntland ay ku Shaqeyn doonto wax ka duwan Golihii Wasiirada hore ee Puntland tana ay bilaaw u tahay.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa la filayaa in Shirkaasi lasoo geba gabeeyo,isla markaana laga soo saaro warsaxaafadeed ku saabsan qorsho howleedka Sanadkan 2019 ee Golaha Wasiirada Puntland.