Deg Deg Daawo Video:Madaxweynaha Puntland Oo Dingiin Culus U Diray Maamulka SNM.

Garoowe{khaatumonews}Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin adag u diray maamulka SNM isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleynin waxa uu ugu yeeray Daandaansi ka yimaada dhanka SNM.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in maamulka SNM uu kaga digaayo daandaansi ay ka wado gobolka Sanaag, maadaama ciidamo badan ay soo dhoobtay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa tilmaamay in maamulka Puntland muddo badan uu sameeyay dulqaad, islamarkaana dadka nabadda jecel ay mar walbaa qaadanayeen in la xakameeyo xaaladda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Puntland ay karaamadeeda difaacan doonto haddii SNM ay isku daydo inay weerarto deegaanada maamulka Puntland, isagoo cadeeyay in markale ay digniin u dirayaan SNM

Hadalkaan wuxuu madaxweynaha Puntland ka jeediyay kulani maanta lagu daah furayay qorshaha Puntland ee shanta sanadood ee soo socota.