Sawiro:Haweenay Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo kamid Noqotay Dadkii Ku Dhintay Shilkii Diyaarada Ee Itoobiya.

Muqdisho{ Khaatumonews }Ku-simihii Taliyaha Booliska ee AMISOM ee Soomaaliya  Christine Alalo ayaa la xaqiijiyay in  ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay duleedka Magaalada Addis ababa

Mss Alalo ayaa waxay u dhalatay dalka Uganda waxayna ku sii jeeday marka uu shilka dhacayay dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM.

Rakaabka saarna diyaarada ayaa waxaa ay tiradoodi aheyd 149 rakaab ah iyo 8 qof oo shaqaale ah kuwaasoo dhamaantood ku dhintay shilkaas.

Diyaarada ayaa burburtey kadib markii ay garoonka Addis Ababa ka soo dushay hawda-na ay ku jirtay muddo 6 daqiiqo ah waxaana ay ku dhacday meel 45 Km u jirta magaalada Addis Ababa, waxaana haatan socda baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkan.