Safarka Muuse”Imaaraadku kuma dhiiran karo talaabo ka Badan soo dhaweynta Qaabkan ah’

Soo dhaweynta Muuse Biixi loo fidiyey waa darajada labaad ee borotokoolka soo dhaweynta madaxda, had iyo jeer waxaa lagu soo dhaweeyaa madaxda ka hoosaysa Boqorka, Madaxweyna, marka aanay booqashada madaxweynuhu rasmi ahayna waa lagu soo dhaweeyaa madaxweynaha ama Boqorka.

Muuse baanboy iyo heestii calanka looma tumin xarasu sharafkii seefta la horwadeyna salaan kamuu qaadan , hoggaamiyihii dalkuna ma soo dhaweyn, hasa yeeshee waa soo dhaweyn dhabbaal xanbaarsan, Muuse iyo taageerayaashiisuna afka la taagi karaan,waxaana loo soo dhaweeyey qaab aad u maqaam sareeya, risaalada ay xanbaarsan tahayna waa mid muujinaysa siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Soomaaliya ee ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Qatar iyo afarta dal ee Masar, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain.

Imaaraadku kuma dhiiran karo talaabo ka badan soo dhaweynta qaabkan ah iyo dhaqaale uu siiyo ”Somaliland“ wuxuuse ku soo celcelin karaa talaabooyinka noocan oo kale ah, ilaa inta uu taagan yahay muranka u dhaxeeya Qatar iyo Imaaraadka , siyaasadda Soomaaliyana tahay dhexdhexaadnimada uu Imaaraadku u arko in ay Qatar dani ugu jirto.

Muuse Biixina loolankaas danweyn ayaa ugu jirta oo waa il u irmaan wuuna lisan ilaa inta ay ka gudhi, sida muuqatana waxba lagama qaban karo daadkaas dhinaca Imaaraadka ka socda oo Farmaajo xilligan ma moosi karo, wuxuuse isna lisan isha uga Irmaan Qatar oo ay muuqato in ay aad uga dararan tahay isha Imaaraadka ee u furan ”Somaliland“.