Deg Deg::Jabhada SNM Oo Abaabulaysa Weerar Ka dhan Ah Caare iyo Xiisad Ka Taagan Sanaag,

Ceerigaabo{Khaatumonews} maamulka SNM ayaa dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilowday Gobolka Sanaag, waxay Ciidamo u dirtay degaano hoos yimaada Yube iyo Xingalool ee Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneyd Xiisad.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Ciidamo uu hogaaminayo Col.Caarre oo kasoo goostay SNM, howlgalo ka fuliyeen Gobolka kadibna ku laabteen saldhigooda Aaga Qardho.

Taliyaha Ciidanka SNM ee bariga Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in SNM aysan aqbali doonin Ciidamo kasoo baxa Qardho ay soo weerareen ka dib ay ugu laabteen Puntland.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa in uu dib laabto dagaalkii SNM iyo Puntland.