Deg Deg Daawo Video:Suldaanka Guud Ee Beesha Isaaq Oo Qaadacay Shirkii Beelaha Direed

Suldaanka Guud ee beelaha isaaq suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay shir dhawaan ka furmay Addis Ababa islamarkaana ay ka qeyb galen isimo badan oo beesha isaaq ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Suldaanku waxaa uu sheegay in uusan ka qeyb galin shirkaasi markii loo sheegayna uu ka hadhay isagoo sabab uga dhigay in uusan fahmin qorshaha shirkaasi,

Isimada Isaaq ee shirka ka qeyb galay ayuu ugu yeedhay inay yihiin kuwo ah Dabas dhuxul huwan oo aan la aamini karin.

Ugu Danbaytii waxaa u sheegay suldaanku inuu tagi doona shirka soomaalida ee ka dhacaya Godey ee madaxweynaha dawlad deegaanku iclaamiyay,