Daawo:Wadamada ay u dhasheen Dadkii ku dhintay Diyaarada Ethiopian Airlines oo la shaaciyay

Addis Ababa{ Khaatumonews }Waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa Diyaarada Ethiopian Airlines oo maanta ku dhacday Duleedka magaalada Adis Ababa daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka caalamiga ee Bole.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Diyaarada ay la socdeen 149-rakaab iyo 8-shaqaalaha diyaarada kamid ah ayaa ku dhacday deegaanka Bishoftu oo 62-km u jirta magaalada Adis Ababa , waxaana goobtaasi loogu tagay bur burka diyaarada .

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa tacsi u diray dadka eheladooda ay ku dhinteen shilka diyaaradeed, waxaana dadka ku dhintay shilkaasi u badnaa dad kasoo jeeda dalka Kenya halka dadka labaad ee ugu badan ee dhintay u dhasheen dalka Canada.

Dadka Shilkan ku dhintay waxaa sidoo kale kamid ahaa Muwaadin Soonaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Shahaad) oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaalia,

32 Kenyan

18 Canada

9 Ethiopian

8 Chinese

8 Italian

8 US

7 British

7 France

6 Egypt

5 Netherlands

4 UN passport

4 Indian

3 Russian

2 Moroccan

2 Israeli

1 Belgian

1 Ugandan

1 Yemeni

1 Sudanese

1 Togo

1 Mozambican

1 Norwegian