War Deg Deg ah:Muuse Biixi U Safraaya Maanta Imaaraadka Iyo Qorshaha Socdaalkiisa,

Hargaysa{ Khaatumonews } Sida ilo wareedyo u dhuundaloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada maamulka SNM u xaqiijiyeen warfidiyeenka Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa maanta u baqooli  doona Dalka Imaaradka,

Xoggaha Warfidiyeenka khaatumonews helayso waxay kaloo tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biiixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidamada ee Berbera Dalka UAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah,lana filaayo inuu ku dhamaado muddo  Sadex bilood gudahooda.

Muuse Biixi Ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera  oo Xukumadii Siilanyo gashay,Ku darsoo Golayaasha maamulkaasi iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday.

Dhanka kale waxaa jira xoggo isa soo taraya oo warbaahinta khaatumonews ku soo dhacaya oo sheegaya in Muuse Biixi UAE Kula yeelan doono madaxweyne Farmaajo Kulan xasaasiya oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay.