Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo ka qayb galay munaasibadda xuska maalinta Haweenka Aduunka oo maanta magaalada Garowe lagu qabtay ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed, waxaana uu si gaar ah madaxweynuhu uga hadlay xaaladaha amaanka ee dalka iyo tacadiyada haweenka loo gaysto.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Gabadha Soomaaliyeed marna bulshada ay ku dhex jirtay kama aysan hooseyn, dowladaha reer galbeedka Haweenku waxay soo mareen nolol adag oo dil iyo xabaalba leh balse Soomaaliya markasta Haweenku waxay lahaayeen door muhiima” sidaasi waxaa yidhi madaxweyne Denni.
Waxa uu sheegey in kuwa tacadiyada u gaysta haweenka ay ka qaadi doonto xukuumaddiisu talaabo adag, isagoona sheegay madaxweyne Denni in uu taageero la garab istaagi doono haweenka Puntland.
“Waxa soo baxay dad dano siyaasadeed leh oo diin ku gabanaya oo dadkii laynaya, waxaan maraynaa duruufo adag waana imtixaan” ayuu yidhi mar kale madaxweyne Denni oo ka hadlay falalka amni daro ee ka dhacay gudaha dalka gaar ahaan boosaaso ayaa sheegay in haweenka Boosaaso ku hubaysan yihiin Baastoolaado
