Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaad uu ka helay madaxda wadankaas.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa markii ugu horeysay imaaraadku muuse biixi u dhigay Roog cas, iyadoo maamuus sare lagu soo dhoweeyay.

Waxaa muuse biixi ku soodhaweeyay garoonka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al-Badi Al Dhaheri iyo Masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Muuse Biixi iyo wefdigiisu waxay maalmaha soo socda kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlaya arrimo khuseeya xoojinta xiriirka labada dhinac iyo taageerada imaaraadku siiyo maamulka Somaliland.

Imaaraadka oo kamid ah dawlada duminta iyo burburka soomaaliya ku haya ayaa mudooyinkan laba jibaaray ololaha duminta soomaaliya.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in maamulka imaaradku uusan calanka maamulka snm ka soo muqan soodhaweyn.