War Deg Deg Ah:Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Muqdisho,
March 8, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews }Waxaa daqiiqado kahor qarax aad u xoogan oo inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho uu ka dhacay guri kuyaala Degmada Howl Wadaag.
Ciidamada booliiska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaa sidoo kale goobtaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaadaya dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan.
Lama oga ilaa hada qaraxan in uu ahaa mid guriga uu ka dhacay lagu diyaarinayay iyo in kale, ciidamada booliiska ayaana wada baaritaano ay ku ogaanayaan qaraxan dhacay iyo waxa sababay.
Waxaan sidoo kale wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxan oo dhacay daqiiqado kahor, waxaana adag in la ogaado wararka ku saabsan qaraxan maadaama xili habeen ah uu dhacay ayna hurdaan dadka badi.
