DAWLADA Itoobiya oo diyaarisay Arrin Aan Hore Looga Baran

Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines ayaa u dabaaldegaysa maalinta caalamiga ah ee dumarka iyadoo diyaarisay duulimaad ay haween keliya ah hawlwadeenno ka yihiin oo u kala gooshi doona Addis Ababa iyo Oslo.

Shirkadda ayaa barteeda Facebook ku sheegtay in shaqaalaha ka hawlgeli doona diyaaraddaasi marka ay dhulka joogto iyo weliba marka ay hawada ku jirto ay ahaan doonaan dumar oo keliya.

Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GabreMariam, ayaa sheegay in tallaabadan ay uga gol leeyihiin in lagu muujiyo muhiimadda dumarka Afrika oo inta badan la kulmo faquuq.

“Dumarku waxay udub dhexaad u yihiin guulaha aan gaarnay, waxaana duulimaadkan ugu hibeynay inaan u muujino dowrka ay ka ciyaareen shirkaddan, dalkeenna iyo weliba guud ahaan qaaradda.”

Waxaa horay sidan oo kale u sameeyay shirkadaha duulimaadyada ee Air India iyo British Airways

Dr Saba Fikru, oo ah madaxa caafimaadka ee Ethiopian Airways ayaa sheegtay in boqolkiiba 35 shaqaalahooda ay yihiin dumar, taasoo ka dhigay in 16,000 oo haween ah ay u shaqeeyaan shirkaddaasi.