Muqdisho{ Khaatumonews }War goor dhow ku soo dhacay warqabadka shabakada Khaatumonews.com ayaa sheegaya in isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta uu si lama filaan ugu geeriyooday C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii dastuurka Xukuumada federaalka Somalia.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Marxuumka ayaa la sheegay inuu magaalada Dubai u tegay arrimo qoys, si uu uga qeyb galo meherka iyo arooska gabadhiisa oo caawa ka dhici lahaa halkaas.

Hase ahaatee Wasiir Xoosh ayaa waxaa la sheegay inuu saaka ku soo booday xanuun deg deg ah, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai oo wax yar ka hor uu ku geeriyooday sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Geerida wasiirka ayaa waxaa sidoo kale Khaatumonews u xaqiijiyey xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia.

?????????????