Deg Deg:Mayd Laga Helay Hada Duleedka Garoowe iyo Warbixin Laga helay

Duleedka GAROWE waxaa laga soo helay meydka nin dhalinyara oo magaciisa la yiraahdo Liibaan Dholoonbe sidey u xaqiijiyeen warbaahinta  saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Marxuumka ayaa meydkiisa la dhigey Isbitaalka guud ee Garoowe waxaana uu sheegay Taliyaha saldhiga dhexe inuu socdo baaritaano la xidhiidha cidda ka dambeysa falka uu ku dhintey.

Taliye Fardafuul ayaa sheegay inaanu jirin rasaas ama xabado ka muuqda jirka meydka marxuumka balse uu jiro shaki kale oo kaas ka duwan.

Meydka waxaa laga soo helay Aaga buuraha Naasa hablood,waxaana jira saddex qof oo tuhun loo xirey.