Waxaa goordhaw qarax xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin uu ka dhacay  Taalada Xaawo Taako oo ku dhaw Tayaatarka Qaranka ,waxaana jugta qaraxan uu ahaa mid si weyna looga maqlay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Uuro madow iyo holac ayaa laga arkayaa aaga uu qaraxu ka dhacay goordhaw, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa Sidoo kale goobta uu qaraxu ka dhacay uu kuyaalo Hotel lagu magacaabo Xaawo Taako laga maqlayaa rasaas aan wali la ogeyn cida rideysa, waxaana wali adag in la helo xog badan oo qaraxan goordhaw dhacay ku saabsan.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa durba gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda gurmad ay sameenayaan gaadiidka Gurmadka, waxaa sidoo kale xiray aaga qaraxu ka dhacay ciidamada amaanka.

qaraxan ayaa ku soo beegsamaya xili saacad ka hor uu soo gaadhay madaxweyne farmaajo muqdisho.