Deg Deg:Madaxweynaha Puntland Oo Xil U Magacaabay Wiil Uu Faroole Dhalay,

Garoowe{ Khaatumonews }Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maxamed Cabdiraxman Faroole u magacaabay la taliyihiisa sare ee dhinaca Amniga (Senior Security Advisor).

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa horey usoo noqdey Agaasimaha Ciidanka PMPF,isagoona bundhig u ahaa Asaasayaashii Ciidanka badda PUNTLAND.

Dadka aqoonta dhaw u leh Maxamed waxay ku tilmaamaan Aqoonyahan shaqo yaqaan ah oo karti badan islamarkaana hufnaan iyo xil kasnimo muddo dheer uga soo shaqeynayay si mutadawacnimo leh taabo galinta haykalka dowladnimo ee Puntland.