Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa loo adeegsaday oo Maanta ka dhacay meel u dhow Koontorool ciidamada Dowladda ku leeyihiin Taalada Xaawa taako lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah afaafka hore ee Maqaayada Dalsan ayaa waxaa ku yaalla Goob inta badan ay istaagaam Gawaarida ku wajahan dhinaca Madaxtooyada, iyada oo qofka wata uu kasoo dago kadibna uu soo aado Koontoroolka Ciidanka si uu u tuso kaarkiisa Aqoonsiga kadibna uu sidaasi ku gudbo.
Ku dhowaad 5ruux ayaa la sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay,waxaana la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay ay Goobta ku sugnaayeen gawaari kale, kuwaas oo ku wajahnaa dhinaca Madaxtooyada.,isla markaana burbur uu soo gaaray.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay qarax ku weerareen koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada, isla markaana ay ku dileen Ciidamo ku sugana koontoroolka.
Qaraxan ayaa imanaya iyadoo wali ayna Muqdisho ka soo kabsan, weerarkii saacadaha badan qaatay ee Khamiistii hore lagu bartilmaameedsaday waddada Maka Al Mukarama
