Boocame{ Khaatumonews }Maamulka Degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa cabasho ka muujiyey wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), taas oo ahayd maamulka gobolka Sool iyo Kastanka cashuuraha ee gobolkaasi inuu kusii shaqayn doono deegaanka Falidh-yaale.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiye kuxigeenka degmada Boocame Axmed Cismaan Karaaf oo waraysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland inuu ku khasbayo inay ka go’aan degmo ahaan gobolka Sool islamarkaana ay ku biiraan maamulka Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye ka dib markii uu ku eedeeyay qaab qabiil inay ku salaysan tahay wareegtada Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
