DAAWO VIDEO:Trump oo wacay nin dhimasho qarka u saaran si uu riyadiisa ugu rumeeyo

Nin xannuun halis ah la il daran oo ku sugan gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayay u rumawday riyadii uu lahaa inta uusan dhiman ee ahayd in uu la hadlo madaxweynaha, ka dib markii uu taleefan lama filaan ah ka helay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ninka uu madaxweynuhu taleefanka u diray oo la dhoho Jay Barrett ayaa qaba xanuun inta badan khalkhaliya hawsha sambabada, dhawaan ayaana laga saaray isbitaalka oo loo celiyay guri ka dib markii ay meel lagu baxnaaniyo u diyaarisay walaashii oo xildhibaan deegaan ah, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

“Jay waxaad tahay nooca ragga een qadariyo, ayuu yiri Trump oo taleefan u diray. Wuxuu intaad ku sii daray “halganka halkaas ka sii wad, halganka waan ku wada jirnaa,”

Eric oo ah wiil uu dhalay madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday in uu hadiyad khaas ah u diri doono Barrett.

Warka ku saabsan wicitaanka waxaa markii hore tabiyay New Haven Register oo ka soo baxa Connecticut, warbaahintaas oo doonaysay in Aqalka Cad ay gaarto xogta labada qof ee kala xisbiga ah balse isgacan qabanaya. Wargayska ayayna xildhibaannadu u sheegtay in 100% ay taageersan tahay xisbiga Dimuqraadiga.