Muqdisho{ Khaatumonews }Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaraxa ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Qoraal kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa iyaga ay ka dambeeyeen islamarkaana ay la eegteen goob ciidamada amaanka ay ku baaraan gaadiidka aada wadada dhanka madaxtooyada Soomaaliya.
Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay la eegteen goobta ciidamada ay joogeen islamarkaana ay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana jugtiisa ay aheyd mid xoogan oo laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho.
Ku dhawaad 5 ruux ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka, balse Al Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 10 kamid ah ciidamada dowladda ay ku dileen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo looga hadlayo khasaaraha ka dhashay qaraxa.