DAAWO:Maxaa ka Soo Baxey Shirkii Madaxda Somalia & Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Ken

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

1. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Uhuru Kenyatta ayaa wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

2. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay Dowladda Kenya hoos u dhigtay.

3. Labada Danjire waxay ku laabanayaan safaaradahooda.

4. Ajandaha wada hadallada wax uu ku koobnaa oo KALIYA xal u helista mad-madowga diblomaasiyadeed ee labada dal soo kala dhex galay.

5. Madaxweynayaashu kama wada hadal, lamana soo shay qaadin Kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Dowladda Soomaaliyana mawqifkeeda waa mid cad oo aan mugdi ku jirin.

6. Madaxweynayaashu waxay uga mahadcelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaalinta uu ka geystay wada hadalladan, si dalalka gobolku ay ugu wada noolaadaan daris-wanaag, is-ixtiraam, iskaashi iyo wada shaqeyn.

MAHADSANIDIIN

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS
Abdinur Mohamed Ahmed