Deg Deg:Itoobiya oo shaacisay shir Nabadeed oo Moyale lagu Qabanayo.

Jigjiga{ khaatumonews }Xukuumada dhexe ee Itobiya ayaa sheegtay in magalada Moyale ee xarunta Gobolka Dawa in lagu Qabanayo waxay ugu Yeedheen shir dib u Heshiiseeneed oo lagu xakamaynayo colaada Qomiyadaha Somaalida iyo Oromada.

Taliyihii Hore ee Police Federalka Itobiya haatan se ah wasiiru dawlaha wasarada Nabada Itobiya mr. Zeinu Jamal oo Galinkii dambe ee maalinkii shalay ahaa xafiiskiisa kula Hadlay saxaafada, ayaa sheegay inay Itobiya ka Go’an tahay dhamaynta colaadaha sokeeye ee mudada dheer soo Jiitamayay oo ay kamid tahay colaada Moyale.

Wasiir Jamal waxaa uu sheegay in shirkani uu daba socdo shirarka Laba bilood kahor dhex maray mamulada Heer deegaan, Heer Gobol ilaa iyo Heer degmo ee Labada Qomiyadood, shirarkaasi oo Hogaaminta siyaasada iyo Hogaaminta dhaqanka Labada Qomiyadood ay mug leh uga wada Hadleen colaada, ayuu shirkani u noqonaya Kabis iyo dhamaystirka wixii dhimanaa sida uu Hadalka u dhigay.

Shirkani oo ilaa iyo Hada aan la Ogayn doorka ay kuyeelan doonaan mamulada Somaalida iyo Oromada ee kawada Arimiya Halka magaalo, ayaa lagu wadaa inuu maalinta Bari ah ka Furmo magalada Moyale oo maalmihii Lasoo dhaafay Goob colaadeed iska ahayd.

Hadalka kasoo Yeedhay wasiiru dawlaha wasarada Nabada Itobiya ayaa u muuqda mid lagu dajinayo dareenka shacabka Somaaliyeed oo siwayn uga Gilgishay, Hadaladii Gardarada iyo daan-daansiga ahaa ee kasoo Yeedhay madaxwaynaha mamulka Oromada, kaasi oo Barlamanka mamulkiisa u sheegay inay Moyale tahay magaalo Oromo ayna lama Huraan tahay in Oromadu iyadoo isku duuban ay difaacato.

Dhaliilaha ugu badan ee xukuumada Fadhigeedu yahay magalada Jigjiga ayaa ah sida ay uga Gaabinayso difaacida danaha shacabka Somaaliyeed iyo dhulkooda, iyada oo aan wada Og-soonahay in Oromada iyo Canfartu si iskumid ah u doonayaan inay u boobaan dhulka ummada Somaaliyeed.