Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada degmadasas ay xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi u geystay Gabar yar kadibna uu dilay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyey oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir,waxaana maalma  ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in nin kaasi falka kufsiga ah uu qirtay sidaasna ay xukunka dilka ah ugu fuliyeen,waxaana tallaabadaas aad u soo dhaweeyay Bulshada Garbahaareey.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Puntland lagu kufsaday laguna dilay Gabar lagu Magacaab ijiray Caaisho Ilyaas Aadan falkaas oo laamaha Amiga Puntland ay sheegeen inay dad u qabteen.