Nairobi{ Khaatumonews }Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in shil diyaaradeed uu ku geeriyooday duuliyaha diyaarada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Duuliyaha oo lagu magacaabayay Kabtan Mariyo Maganga iyo AFar ruux oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen shil ka dhacay deegaanka Laboola ee gobolka Turkana ee dalka Kenya.
Diyaaradda uu lahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo meydka duuliyaha ayaa saaka laga helay deegaanka Laboola, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Rijard Omyonka oo ah xildhibaan Kenyan ah oo qaraabo dhow ay ahaayeen duuliyaha ayaa sheegay in diyaaradda uu waday Kabtan Mariyo raadeerka laga waayay xalay abaaro 08:00 fiidnimo, iyadoo kadib saaka la ogaaday inay burburtay.
Ma cadda sababta ka dambeysay in burburka uu ku yimaado diyaaradda, balse waxaa la qiyaasayaa inay ka baxday halkii ay ku socotay, islamarkaana ay shil gashay.
Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi.
