Khayre iyo Farmaajo Oo Wada Olole Aan Loo Fadhiyin,

Caasimada soomaaliya ee muqdisho waa hal bawlaha dalka waana magaalada kaliye dawladu ka taliso dalka si buuxda waana magaalada kaliye amnigeeda ay ku fashilan tahay dawladii ay rajada iyo xiisaha weyn u hayeen shacabka soomaaliyeed,

Maalinkasta waxaa la arkaa ciidaamo xoog badan oo raysal wasaaraha soomaaliya usoo xidhaayo tababar xoogam kuwaaso loogu yeedho inay yihiin ciidaamo sugaaya amniga caasimada balse marka ciidan lasoo bandhigo ama dawladu ay muujiso dhaqdhaqaaq amni waxaa faraha ka sii baxa xaalada muqdisho,

Qarax ka dhaca Caasimada waa nolol maalmeedka caasimada dil iyo toogasho ayaa qof loo geestayna waa isla nolol maalmeedka shacabka,

Dawlada somaaliya xarunta ay ka taliso ee villa soomaaliya ayaa inaya hada la qeybsatay nolol maadmedka amnidaro ee caasimada iyadoona shalay la arkaayay madaxtooyada oo dusha sare la dalooliyay laguna garaacay hoobiye.

Xog hoose khaatumonews heshay ayaa noo cadeenasa in raysal wasaare khayre iyo madaxweyne farmaajo ku jiraa olole doorasho 2020 ah oo ay xiligan u lacag urursanayaan.

Safarada dibada ee madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ee aan xadka lahayn iyo waliba safarada wasiirka maaliyada ayaa kamid ah dhaqaale uruurinta doorashada 2020 oo ay aad ugu rajo weyn yihiin inay markale ku soo laabtan dalka,

Si kastaba ha ahaate xaalada muqdisho ayaa hada ah Ha iska Gubato muqdisho shacabkuna ha dhinto ololaha iyo doorashaduna ha socoto Af Miishaarnimada iyo is adkayntuna waa dhanka madaxdee waa inoo iyo warbaahinta marka laga qancinaayo shacabka,