Asmara{ Khaatumonews }Magalada Asmara ee Caasimadda Wadanka Eretria Wararka naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta oo Axad ah ay halkaasi ka dageen Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Labada mas’uul ayaa kasoo kicitamay Magaalada Adis Ababa,iyada oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maalmahaan ku sugnaa Adis Ababa,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eretria Isaias

Sida ay faafisay Wakaalada Wararka Itoobiya ee FANA Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyo Madaxweynayaasha Kenya iyo Eretria  Isaias Afwerki ay kulan gaar ah yeelan doonaan,isla markaana heshiisyo ay kala saxiixan doonaan.

Madaxdweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale dhawaan la filayaa in uu tago dalka Uganda halkaas oo uu shir uga qeyb geli doono,waxaana sidoo kale uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullhi Farmaajo,iyaga oo ka wada hadli doona xalinta xiisada Siyaasadeed ee labada dal.