Bishii April ee sannadkii, 2015-kii haweeneeydan 31 jir ahayd oo ka soo jeedda Mugnano oo ku taalla banaanka Naples, ayaa waxa ay muuqaallo galmo ah WhatsApp ugu dirtay shan qof, waxaana ka mid ahaa saaxibkeed Sergio Di Palo oo uu markaasi ka dhexeeyay xiriir aan wanaagsanayn.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Muuqaalada ayaa waxa ay muujinayeen iyadoo ficillo galmo ah la sameeneeyso rag aan heebtooda la garanaynin.
“Aad ayay u quruxbadnayd balse qof nugul ayay ahayd ,” ayay tiri Teresa Petrosino, oo ay 15 sanadood saaxiibo ahaayeen. ” Waxaa u kulmay dad xun iyo xilli xun.” ayay intaa ku dartay.
Muuqaalada ayaa durbadiiba lagu baahiyay baraha bulshada. Waxaana cajaladaha laga duubay ku jiray iyadoo ninka kaamirada ka duubayay la hadlayso iyadoo leh shaqa wanaagsan ayaad haysaa, taasi oo muujinaysa in ay raali ka aahyd in laga duubo muuqaalka.
Waxa uuna hadalkeedaas dadkii daawanayey u fududeeyay in si cabsi la’aan ah u daawadaan muuqaalkeeda galmada ah sababtoo ah waa ay ku farax sanayd in laga duubo cajalka.
“Gabadheeydu waa ay wanaagsanayd balse khatarta ayay u nuglayd sabatoo ah waxa ka maqnaa kaalintii aabaha oo weligeed ma aysan arag, marka taasi ayaa nolosheeda saameyn ku yeelatay,” sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Maria Teresa oo ah hooyadda dhashay gabadha.
13 September 2016-kii Maria Teresa Giglio shaqada ayay aaday gabadheedana guriga ayay kaga tagtay, balse iyadoo shaqada ku sugan ayaa telefoonka laga soo wacay.
“Dumaashideey ayaa isoo wacday, si deggen ayayna ila hadashay waxa ay igu tiri imoow guriga; markii aan gaaray guriga ayaa waxaan arkay boolis iyo ambulance, marka durbadiiba waan fahmay in ay gabdheeyda is dishay,” ayay tiri Maria Teresa.
“Maalintii ay geeriyootay, ayay noloshaydana u dhamaatay
