Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Shirkii Beesha Dir iyo arrimo kale?

Jigjiga{ Khaatumonews } Madaxwaynaha ismaamulka Soomaalida mudane Mustafe Maxamed Cagjar ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay Xaalada deegaanka,  Safarkii uu ku tagay Deegaanka SNM ,  iyo Shirkii Beesha Direed KU qabsatay Addis-ababa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Cagjar Oo Ka hadlaaya arrimahaasi ayaa ku bilaabay hadalkiisa’’“Maanta waxaynu nahay dad Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 8-Milyan oo ku dhex jira 100-Milyan,    Uma Baahnin Shir Qabiil, Waynu soo Aragnay  Xanuunkeeda.

Shirka Addis-ababa lagu Qabano waa  dad kal yimid deegaano kale 90%,  Markaa shirkaasi Nama Quseeyo, Balse dadku wuu shiri karaa oo Xaq ayay u leeyihiin,  

Waxaanu Jecelnahay  Adkaynta Fikirka Qowmiga ah  ee Soomaalinimo,  maanta ma Awoodno Shir dir, Shir Daarood iyo Shir Hawiye, Balse waxaynu u Baahanay Shir  Soomaaliyeed, oo  in  Beel-Beel loo shiro meel lagu gaadhi maayo,  “