Warbixin:–Cali khaliif Galaydh iyo Ciqaabta Uu La wareegaayo.
Hargaysa{Khaatumonews}Madaxweynihii hore Khaatumo Dr Cai khaliif galaydh oo mudo laba sano iyo badh ah ku jaah wareersan Hargaysa ayaa markan waxaa ka soo ifbaxay khiyaanadii uu ka Galay shacabka khaatumo.
Galaydh waxaa uu markii ugu danbeysay rajo ka qabaa fulinta heshiis aan dhanka maamulka SNM Ka lahayn wax macno weyn.
Cali khaliif galaydh 2 sano iyo dheeraad waxaa uu ku rajo weynaa wax loogu yeedho saami qeybiga snm oo u ku doodaayo in la furo Dastuura SNM iyo In Saami laga siiyo muuqda gobolada SSC maamulka snm .balse ku muusan darsan cali khaliif galaydh qorshaha in saamiga uu doonaayo aanayba reer khaatumo ka rabin maamulka isaaq islamarkaana maamulka isaaq qudhiisu og yahay in aysan shacabkaasi u riyaaq saneen saamiga iyo qorshaha cali iyo kan maamulka isaaq.
Intii uu dhacay heshiiska aan fulin ee cali khaliif galaydh iyo SNM waxaa ay snm sameeyen qorshe lid ku ah qorshihii cali khaliif galaydh iyagoo xilka gudoomiye barlamaan siiyay xubin magac u yaal ah oo ka soo jeeda khaatumo, iyagoo wasiirka dibada ee aan isna la qoonsaneen siiyay xubin kale oo ka soo jeeda khaatumo.
Qorshahan xubnahan xilka loo siiyay ayaa ah in lagu Awdo albaabka furan ee ah saami muuqda kuma laha reer khaatumo maamulka snm.waana isbaaro ka hor taagan cali khaliif galaydh in loo furo riyada uu qabo ee ah Dastuurka o lafuro.,
Isku soowada xooriyo meeha nowga cali khaliif ayaa ah mid ka turjumaaya ciqaab lagu marinaayo balantii iyo kitaabkii uu maray ee uu kaga bacay reer khaatumo,
