War Deg Deg Ah DAAWO:Alshabab Madaafiic Ku Garaacday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Uuro Ka Baxaysa Madaxtooyada,

Muqdisho{ Khaatumonews }Goordhow waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Somalia ku soo dhacday tiro madaafiic ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ilaa 3 madfac oo ah qorayga loo yaqaano hoobiyaasha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhacday madaxtooyada Soomaaliya.

Madfaca 1-aad ayaa waxaa uu ku dhacay dabaqa sare eeexafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madfaca 2-aad ayaa waxaa uu ku dhacay Xarunta guddiyada Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan eeela yiraahdo Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex taala.

Ugu dambeeyntii madfaca 3-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xafiis ay guddiga doorashooyinka ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo waliba halka laga soo tuuray madaafiicdaasi iyadoona la arkaayo Qiiq Ka baxaaya dusha sare Madaxtooyada

Faah faahinta dib kala soco insha allah.