600 Deg Deg:Go aanka Sacuudigu Qaatay Ma Saxba Mise Waa Khalad Akhriso War Weyn Oo ka Soo Baxay Maanta? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Go aanka Sacuudigu Qaatay Ma Saxba Mise Waa Khalad Akhriso War Weyn Oo ka Soo Baxay Maanta?

Hargaysa{ Khaatumonews }Dalka Sacuudi Carabiya ayaa muwaadinnimada ka xayuubisay Xamza Bin Laden, oo uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qacida ee dhintay Sheekh Osma Bin Laden, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha, oo lagu daabacay wargeyska dowladda ee Um al-Qura, ayaa lagu sheegay in go’aanka dhalashada looga qaaday Xamza lagu gaaray amar boqortooyo oo soo baxay bishii November ee 2018.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa khamiistii waxay sheegtay inay hal milyan oo dollar oo abaal-marin ah ku bixineyso ciddii keenta akhbaar hoggaamin karta halka uu joogo Xamza.

Xamza oo la rumyesan yahay inuu yahay 30 jir ayaa ka hor weeraradii September 11 waxa uu aabihiis la joogay Afghanistan kadibna Pakistan, markii ay ka carareen Afghanistan.

Xamza oo sanaddii 2015 cod muuqaal ah lasoo duubay hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, ayaa cod dhallinyaro oo cusub siiyey kooxda, oo hogaamiyayaasheeda ay gaboobeen, si uu u dhiiri-geliyo mintidiinta.

Waxa uu ku baaqay weeraro ka dhaca caasimadaha dalalka reer galbeedka iyo in looga aragudo dilkii aabihiis ee Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu beegsan doono Mareykanka jooga dibedda, isaga oo qabiilada Sacuudiga ku booriyey inay la midoobaan kooxa Al-Qacida ee Yemen, lana dagaalamaan Sacuudiga.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...