Al Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay kala wareegeen deegaanka Fax fax dhuun oo ka tirsan Gobolka Gedo, kadib markii sida ay sheegeen ay isaga baxeen Ciidankii Itoobiyaanka ee halkaasi joogay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay saaka aroortii hore in Ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaanka Fax fax dhuun, islamarkaana ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Gariley oo ka tirsan Gobolkaasi Gedo.
Shabaab waxa ay sheegeen saacad kadib markii Ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaanka Fax fax dhuun in Ciidamada Shabaab ay gudaha u galen deegaankaasi oo ay la wareegeen gacan ku hayntiisa.
Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen inay baaris ku sameeyeen dhamaan Saldhigyadii ay ka baxeen Ciidamada Kenya, islamarkaana ay ka baareen in miinooyin halkaasi ay ku aaseen Ciidamadii baneeyay Saldhigyadaasi.
Al Shabaab ayaa sheegtay ahmiyad gaar ah inay u leedahay la wareegitaanka deegaanka fax fax dhuun ee Gobolka Gedo oo sanado badan ay maamulayeen Ciidamada Kenya.
Lama oga sababta rasmiga ah ee Ciidamada Kenya ay uga baxeen deegaanka Fax fax dhuun oo ka tirsan Gobolka Gedo.
