Badeldweyne{ Khaatumonews }Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Diyaaradaha ayaa waxa ay duqeeyeen saldhigyo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanada Galxamure, Astaan iyo degaano kale.
Saraakiishu mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Dad ku sugan deegaanada ay duqeynta ka dhacday oo diiday in magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jugta duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha.
Maalmo kahor ayaa sidaan oo kale waxaa diyaarado dagaal ay duqeymo dhinaca cirka ah la beegsadeen saldhigyo Ururka Al Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
