600 Deg Deg Daawo sawiro:Ciidanka Dawlada Soomaaliya Dhismayaal Dumay ka soo guraaya shacab? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo sawiro:Ciidanka Dawlada Soomaaliya Dhismayaal Dumay ka soo guraaya shacab?

Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa saaka soo badbaadiyey qoysas ku go’doonsanaa illaa xalay gurigooda oo ku dhegan maqaayada hilaac UK iyo hotelka Maka Al Mukarama oo ay galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Qoysaskan oo ka koobnaa caruur, dad waayeel ah iyo dhalinyaro ayaa waxaa ka mid ah qoyska reer Shideeye oo degaanka caan ka ah, waxaana la sheegay iney dableyda Al-shabaab  galeen gurigooda xalay.

Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey.

Labo qarax oo kale iyo rasaas culus ayaa goor dhow ka dhacay goobta uu weerarku ka socdo, iyadoo ciidamada dowladu ay weli la tacaalayaan qaar ka mid ah dableyda oo iska caabin sameynaya.

Ciidamada amniga ayaa sheegay iney laayeen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...