Muqdisho{ Khaatumonews }Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magalada Muqdisho.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin,isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay,waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Al-Shabaab maalin walba ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,balse taasi aan lagala galeyn wadahadal,hayeeshee uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin wadahadal.
“Runtii dalkan Soomaali ayaa leh malaha dad kale,mala aqbalaayo in dadkeena maalin walba la iska dilo,Al-Shabaab iyo Daacish waxaana leenahay dadkiina soomaaliyeed dhinac kasoo raaca ee wadahadal qaata,laakin wadahadal idinkama galeyno inad dadkeena leysaan ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay kasoo baxaan,isla markaana ay dowladda Federaalka Soomaaliya ksoo biiraan.
Weli Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu sareysa kama hadlin weerarkaas oo weli la soo sheegayo inay rasaas ka dhaceyso Wadada Maka-Almukarama.
