600 Deg Deg:Axmed Madoobe Amar Culus Duldhigay Saraakiisha ciidanka, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Axmed Madoobe Amar Culus Duldhigay Saraakiisha ciidanka,

Kismaayo{ Khaatumonews }Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada, waxaana Warbixino lagaga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha, waxaana ka qayb galay Sarakiisha Ciidamada iyo gudiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu horayn waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed iyadoo ay goob joog ahayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana la faray in dhamaan Ciidamada Dowladu ay ku shaqeeyaan awaamiirta saraakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna.

Sidoo kale golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha Dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah dhamaana ay ka reeban yihiin ka qaybgalka arimaha Siyaasada iyadoo golahu uu faray gudiga shaqada iyo shaqaalaha in ay si dhow ula socdaan dhamaan shaqaalaha Dowlada oo ay qofkii lagu helo ka qayb qaadashada arimaha doorashooyinka ay ka qaadan talaabo sharci ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...
Deg Deg Daawo:Ciidan Beeleed kaga Dhawaaqay Dagaal ka dhan AH Farmaajo Muqdisho,
- Jan 10, 2021
Maleeshiyaad beeleed aad u hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa muqdisho kaga ...