Dowladda Pakistaan ayaa shaacisay inay soo riday laba ka mid ah diyaaradaha dagaalka dalka Hindiya Saacado kadib markii Hindiya ay duqeyn ka fulisay gudaha Pakistaan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sarkaal u hadlay Pakistaan oo lagu Magacaabo Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahaas ay ku soo dhacday dhulka ay maamulaan halka mid kale ay ku dhacday dhulka Hindiya,sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha.

Talaadadii ayay Hindiya qaadday weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah malayshiyaad ku sugan Pakistan,hayeeshee dowladda Pakistaan ayaa shaacisay in diyaaradahaas ay soo rideen inay dhulkooda kusoo xad gudben.

Tani ayaa waxaa ay xoojineysaa xiisada gacan ka hadalka isku bedeshay ee u dhaxeysa dowladaha Pakistaan iyo Hindiya,iyada oo taasi walaac badan laga muujiyey.