600 Deg Deg Daawo:Xildhiban Xidig Oo Lagu Bahdilay Kismaayo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Xildhiban Xidig Oo Lagu Bahdilay Kismaayo.

Kismaayo{ Khaatumonews }Wararka aan ka heleyno Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay kala eryeen,isla markaana ay jirdil u geysteen Dad Shacab ah iyo Wariyeyaal ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweYnta Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka kuma wajahnaa Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka Shacabka ah iyo Wariyeyaasha ayaa ku sugnaa banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo,iyaga oo doonayay inay soo dhaweeyaan Xildhibaanka oo warar aan heley ay sheegayaan in uu halkaasi u tegayay arrimo la xiriira doorashada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jubbaland ay dadka Shacabka ah u diideen inay galaan garoonka,waxaana sidoo kale jirta in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland xataa loo diiday gelida Garoonka oo ay banaanka ka joogan.

Xaalka Magalada Kismaayo ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana sababaha Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig uu Kismaayo u tagayo ay tahay lagu sheegay in uu musharax u yahay doorashada la filayo inay Bisha soo socota ee Agoosto ka dhacdo Magalada Kismaayo.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli xalay Guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ay soo saareen amaro ka dhan ah musharixiinta kaas oo ay ka mid ahaayeen inaysan sameysan karin ilaalo u gaar ah,isla markaana amnigooda uu damaanad qaadayo Maamulka Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...