600 War Deg Deg Ah::Wasiirka Arimaha Dibadda oo si lama filaan ah isku casilay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Wasiirka Arimaha Dibadda oo si lama filaan ah isku casilay

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowlada Iran Mohammad Javad Zarif ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in uu xilka iska casilay ,kadib qoraal kooban uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Instagram-ka.

Qoraalka uu soo dhigay Wasiirka Arimaha dibadda Iran barta Instagram-ka ayuu kaga cudur daartay in uu shaqada ka tago, waxa uuna cadeeyay in uusan awoodin in uu shaqadiisa sii wato.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Iran ee lagu magacaabo Irna ayaa iyada oo soo xiganeysa Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada xaqiijisay is casilaada Wasiirkii Arimaha Dibadda Iran.

Mohammad Javad Zarif ayaa ahaa 59 jirkan ayaa wax ku soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver.

Wasiirkan is casilay ayaa intii uu xilka hayay soo qabtay shaqooyin waa weyn ay qeyb ka aheyd heshiiskii taariikhiga ee Nukliyeerka laga gaaray sanadkii 2015-kii, heshiiskan ayaana dhax maray dowlada Iran iyo qaar kamid ah wadamada caalamka awooda ku leh

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...