India ayaa sheegtay inay duqeysay xero ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari.
Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibedda India, Vijay Gokhale ayaa weerarkan ku qeexay mid ka hor-tag ah oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jaish-e-Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka fuliso India.
Gokhale ayaa sheegay in India ay u qaadday tallaabadan si ay u badbaadiso dhibaato soo gaarta shacabka.
Duqeymahan oo India ay sheegtay in lagu dilay mintidiin badan, ayaa sii xoojin doona xiisadda ka dhex oogan labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan.
