Berbera{ khaatumonews } Madaxweynaha ismaamulka soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in khamiista socdaal ku yimaaddo deegaanka maamulka SNM, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Socdaalka Mustafe cagjar ee hargaysa iyo berber ayaa lagu sheegaya in madaxweynuhu uu ka qayb-qaadan doono, dhagax-dhigga waddada Berbera illaa Wajaale.
MD Cagjar ayaa la sheegay in uu soo wakiishay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed.
Sidoo kale kale Waxaa Diyaar-garow ka socdaa goobta loogu talo-galay in lagu qabto xafladda dhagax-dhigga, dhismaha mashruuca waddada Berbera illaa Wajaale.


