600 Daawo sawiro:Rag Sameeyay Arrin Uu Layaabay Madaxweynaha Kenya oo Xabsiga Lagu Guray? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo sawiro:Rag Sameeyay Arrin Uu Layaabay Madaxweynaha Kenya oo Xabsiga Lagu Guray?

Nairobi{ Khaatumonews }Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 7-nin oo lagu eedeeyay in ay iska dhigeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta si ay ganacsade caan ah uga qaataan lacago sharci daro ah.

Kooxdan la xiray ayaa la sheegay in ay ahaayeen shabakad iska dhigta ama ku qaraabatada Madaxweynaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan, waxa ayna kooxdan doonayeen in farsamadaasi lacago ku sameeyaan.

Booliiska todobada nin ay xireen ayaa la sheegay in mid kamid ah uu iska dhigay Madaxweynaga Kenya Uhuru Kenayatta uuna telfoon kula hadlay ganacsade Naushad Merali oo ah guddoomiyaha shirkadda Sameer Africa.

Ninka la hadlay ganacsadaha oo codkiisa u ekeesiiyay kan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbaday ganacsadaha in uu bixiyo lacag loogu fududeenayo howlaha ganacsi ay wado shirkadiisa.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ninkan iska dhigay Madaxweynaha Kenya uu ka dalbaday ganacadaha in uu bixiyo lacag gaareysa 10 milyan oo shilinka Kenya oo u dhiganta 100,000 oo doolar.

Kooxdan iska dhigtay Madaxweynaha Kenya ayaana  kasoo muuqday makamad, waxaana booliiska codsadeen in la siiyo Waqti dheeraad ah oo lagu soo baaro kooxdan burcada ah ee dooneysay in si xeeladeesan lacag ku dhacaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...