Ciqaabta kufsiga dalalka Adduunka
China 🇨🇳 – Waxaa lagu xukumaa Dil toogasho ama Xiniinyaha ayaa laga saaraa
Sacuudiga 🇸🇦- Waxaa lagu fuliyaa Shareecada Islaamka dadka hortooda maalmo gudahood marka xukunkiisa la qaado
Mareykanka 🇺🇸- Waxay leeyihiin laba nooc oo Sharci ah – Federal Law iyo State Law. Haddii kufsigu hoos tago Sharciga Federaalka waxaa kufsadaha lagu xukumaa dhawr sano ilaa 30 sano oo Xabsi ah
Ruushka 🇷🇺- Waxaa lagu xukumaan 3 sano oo xarig ah, haddii dhaawac weyn gaaray dhibanaha waxaa lagu xukumaa 10 ilaa 20 sano oo xabsi ah
Masar 🇪🇬- Ciqaabta kufsigu waa in Xarig qoorta loo suro oo la daldalo
Afghanistan 🇦🇫- Madaxa ayaa laga toogtaa mudo 4 cisho ah gudaheed
India 🇮🇳- Waxay adkeeyeen ciqaabta kufsiga wixi ka dambeeyay 2013 marki Sharciga kufsiga lidka ku ah la gudbiyay. Waxay ku xukumaan 14 sano xarig ah, marar aan badneyn daldalaad ama xabsi daa’in
France 🇫🇷- Waxaa lagu ciqaabaa 15 sano oo Xabsi ah, haddii dhaawac halis ah uu geystay Xabdi daa’in
Iran 🇮🇷- Waa la daldalaa inta xarig qoorta loo suro
North Korea 🇰🇵- Isla markiba waxaa toogta Koox Askar ah
Norway 🇳🇴- Waxaa lagu ciqaabaa kufsadaha 4 ilaa 15 sano iyadoo ku xiran hadba sida dhibta iyo dhaawaca uu geystay ay tahay
Somalia 🇸🇴- Noo sheeg haddaad garaneyso sharci la isku raacsan yahay oo lagu fuliyo kufsadaha?
