600 Deg Deg:Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada Kenya iyo Soomaaliya iyo Wargays Warbixin cajiib ah Qoray? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada Kenya iyo Soomaaliya iyo Wargays Warbixin cajiib ah Qoray?

Nairobi{ Khaatumonews } Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa faalo ka qoray xiisadda diblumaasiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaalya, waxaana Kenya uu sheegay inay sameysay qaladaad badan, isaga oo ugu dambeyn ugu baaqay inay Kenya dhageysato go’aanka Maxkamadda ICJ, waxaana qoraalka wargeyska u qornaa sidan:-

‘Kenya waxay u baahan tahay inay hoos u dhigto hadalada kulkul ee ay jeedineyso, taasi oo la xiriirta dhul badeedka ay dooneyso inay xoog kaga qaadato Soomaaliya.

Khamiistii lasoo dhaafay, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa wariyaasha  sheegtay “Maku wareejin doono qeyb kamid ah dhulka Kenya dowlad kale” ayay tiri xoghayaha arrimaha dibadda Kenya.

Waxay sidoo kale hadalkeeda ku dartay inay cunaqabateyn saari doonaan Soomaaliya, iyaga oo ka eegaya nooca jawaabta ay bixinayaan madaxda dowladda Soomaaliya ama haddii ay ku guul dareystaan inay raali gelin bixiyaan.

Sidoo kale wasiir Juma ayaa wariyaasha u sheegtay in wadamada caalamka qaarkood ay dagaal u aadaan waxyaabo yaryar, taasi oo ka dhigneyd Kenya inay la dagaalameyso Soomaaliya.

Kenya waxay leedahay masuuliyadda ay ku difaaceyso dhulkeeda iyo madax banaanideeda balse luqadda ay Kenya adeegsatay ayaa loo arkaa inay tahay cagajugleyn iyo mid qasab ah.

Inkastoo Kenya ay tani sheeganeyso Haddana maxkamadda Cadaalada adduunka ayaa waxaa horyaala kiista dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo mid kasta oo ka mid ah dhinacyadu ay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan dacwadooda.

Inkasta oo Kenya ay ka soo horjeedo awoodda ICJ-da ee arrinta dacwadda badda waxaana ay doorbiday degenaansho la’aan diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed.

Sida ku heshiiyeen 2009-kii – Soomaaliya waxay ku guuleysatay wareeggii koowaad kiisna maxkamad horteeda.

Dhawaaqa duufaanta dagaalka ma xallin doono dhibaatada. Waa lagama maarmaan in Kenya ay ICJ dhageysato oo ay go’aamiso arrinta.’

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...