Madaxweynaha maamulka SNM Muuse Biixi oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Boorame,kana hadlay safarkii uu ku tagey dalka Itoobiya iyo kullankii uu lasoo qaatey Raysal wasaare Abiy Axmed.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay ka wada hadleen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Kulankii dhowaan ay la yeesheen, Wuxuuna ku sifeeyay inuu yahay Nin Nabadoon ah.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Wadahadalka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeisa, Wuxuuna xusay inay goorkastaba Diyaar u yihiin Wadahadalka, isagoo sheegay Somaliland ay leedahay Dastuur, kaasi oo dhigaya in shacabku ay Cod u qaadayaan hadii ay Koonfur La Midoobayaan, Balse aysan Baarlamaan iyo Xukuumad midna go’aan qaadan karin.
Dhinaca koonfurta Dastuurku waa Qabyo, Cod dad wayne ma wataan oo Baarlamaan ayaa doortay, Halka Somaliland ay dadku doorteen
” Wadahal waa la gelayaa, Somaliland ma Necba Soomaali, Way wanaagsan tahay in la Midoobo oo wax la Qabsado, Balse waxaa la is waydiinayaa sidee wax loo wada Qabsanayaa” Ayuu yidhi Muuse Biixi.
“Madaxwaynihii Taliyeyaashii iyo Gudoonkii Baarlamaanka waxaa qaatay Koonfur, waxaana ka dambeeyay dhibaato, Hantidii Somaliland waxy taalay Xamar, yaa Soo Qixiyey, Waxaana hada ka dambeeyay Ma tashan kartaan.” ayuu Raaciyey hadalkiisa.
