Madaxweynaha Soomaaliya axamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Sharma-shiikh ee dalka Masar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho.
Dilka xildhibaanka ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga, sidoo kalena horeu u dilay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa dowlada.
Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, waxaana maqribnimadii caawa kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan.
Sawirka Xildhibaanka La dilay
