Tirada Ciidanka Burundi ee Soomaaliya Ka Baxay,,

Ugu yaraan 200 oo Askari oo katirsan Ciidamada Burundi ayaa khamiistii dib ugu laabtay magaalada Bujumbura ee Xarunta dalka Burunid. Ciidamadaan ayaa qeyb ka ahaa Howlgalka AMISOM ee Soomaaiya waxayna horu-dhac u yihiin Ciidamo kale oo ka socda Burundi kuwaas oo ka bixi doona Soomaaliya maalmaha soo socda.

Dowladda Burundi ayaa walaac ka muujisay in ciidankeeda oo kaliya laga saaro Soomaaliya, waxaana ay ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay ka saari doonto Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi laga saari doono Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika looga dhimayo Soomaaliya illaa dhammaadka sanadka 2020.

Sarkaal katirsan Ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in 200 oo Askarta Burundi Khamiistii laga saaray Soomaaliya, sidoo kalana Maalmahaan ay bixi doonaan qaar kale sida uu sheegay Sarkaalkaasi.