Deg Deg Daawo:Madaxweynaha Puntland Oo Ciidan Xoog leh Soo Bandhigay+Dalbaday Hub uu Midnimada Somalai Ku Difaaco!

Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu as’aasay Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Puntland.