Muqdisho{ Khaatumonews}Safiirka Cusub Ee Britain Usoo Magacowday Soomaaliya Ben Fender oo Todobaadkii hore soo gaaray Muqdisho ayaa ka hadlay Qorshihiisa iyo Sida uu ula shaqeyn doono Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DHAGAYSO
Danjire Ben fender waxa uu sheegay inay Ku rajo weyn yihiin sidii loo heli lahaa,wada shaqeyn dhaw iyo sidii ay Soomaaliya cagaheeda iskugu taagi laheyd oo laga taageero dawlada.
“Waxaa Hubanti ah In Dalkeyga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir qoto dheer oo xididadiisa jiridooda adag yahay,waxaan ku rajo weynahay inaan gaarsiino meel sare,ayuu yiri Danjire Fender”.
Soomaaliya waxa la degay Dagaal ay kusoo qaadeen Kooxaha Argagaxisada sida uu warka udhigay,balse Tobankii Sano Ee Lasoo dhaafay waxay aheyd mid soo kabaneysay.
Waxa uu Amaanay Doorka Fiican Ee Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaarihiisa sida ay Dalka Hormarkiisa uga shaqeeyeen,una rajeeyey inay meesha ay gaarsiiyaan hore uga sii wadaan.
2012 ilaa 2017 oo Shan sano udhaxeysa ayaa waxay Soomaaliya qaadatay Go’aan Dib Udhis ugu kaceyso,taas oo yadadiilada Rajadii la abuuray ay hadda miraheeda muuqatay.
Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya Mr Ben Fender ayaa waxa uu soo duubay Muuqaal kooban uu kaga hadlayo Arimo kala duwan,isagoo sheegay in Britain Sanadkii lasoo dhaafay ay 300 Milyan oo Bound Soomaaliya ku taageereen,tababarada ciidanka Soomaaliya ufidiyaan iyo Qorshaha ay UK Ka Leedahay Soomaaliya ayuu kaga hadlay.
Dawlada Ingiriiska ayaa dhawaan waxay soo magacowday Safiirkaan Cusub kaas oo badelay David Concor oo xilkaan hayey Sanadihii lasoo dhaafay.
